Joogtaysan & caafimaad qaba

Waxaynu bixin doonnaa dukaamaysi ku salaysan damiir saliim ah

Badeecadeheennu waxay noqon doonaan kuwa u fiican deegaanka iyo cimilada, lagu warshadayn doono xaalado shaqo oo u wanaagsan qof kasta oo ku jira silsiladda sahayda (supply chain), waxayna macaamiisheenna ka taageeri doonaan qaab nololeed oo caafimaad leh. 

 

 

Ballanqaadyadeenna - Joogtaysan ooo caafimaad qaba

SOO SAARITAAN

Marka la gaadho 2030ka, dhammaan badeecadeheenna iyo adeegyadeennu waxa lagu beeray oo lagu soo saaray qaab ilaaliya nidaamka bayadeed ee muhiimka ah. Waa inaynu hubinnaaa xaalado shaqo oo wanaagsan ee dhammaan silsiladeenna sahayda, waxaanaynu si firfircoon uga qayb qaadan doonnaa horumarinta xuquuqda shaqaalaha.

CIMILADA

Marka la gaadho 2030ka waxa aynu kala badh ka dhignay qiiqa wasakhaynta green-houska ee hawlaheenna iyo value chainkeenna, si aynu u hubinno in aynu si fiican ugu socono ganacsi gabi ahaanba cimilada dhexdhexaad u ah.

QASHINKA

Marka la gaadho 2030ka, waxa aynu ganacsigeenna u beddelnay socod wareeg ah innagoo hiigsanaya in aynu gaadhno qashin eber ah. 

CAAFIMAAD

Waxaynu u horumarin doonnaa badeecadeheenna kala duwan iyo cuntooyinka iyo cabitaannada si aynu si ka sii fiican ugu taageerno caafimaadka iyo ladnaanta macaamiisheenna. 

* Marka la barbar dhigo sanadka aasaasiga ah ee 2019.