Why Reitan Convenience in Sweden?

Waxaynuu wadajir u abuurnaa riyooyin

Waxaannu shirkadda Reitan Convenience ee Iswiidhan leennahay qiyam xooggan. Wxaaanu nahay dad furfuran, is-aamina iyo bashaal badan wada qaata. Waxaan ku horumarinaa cilaaqaadka aan la leenahay midba midka kale halkaasoo aan u dhaqanno si waafaqsan qiyamkayaga.

Iyadoo loo marayo fursadaheenna tababar, waxaannu ku siineynaa fursado aad ku barato wax nolosha kaa caawiya. Waxaannu rabnaa inaannu ka caawino dadku inay koraan oo ay u noqdaan shaksiyo sharaf leh, guulaysta oo ku dhiirigeliya ficilka kalsooni. Waxaan iska caawinnaa inaan gaadhno guul waxaanan u gaadhnaa riyooyinkeenna - wadajir. Wax walba si loo fududeeyo nolol maalmeedka, duniduna ay u yara fiicnaato.

Waxaannu ku raaxaysannaa barashada waxyaabo cusub, waxaannu ku dhiirrannaa inaan kala duwanaanno, mar walbana waxaan xiisayneynaa fikradaha cusub ee dadka innala shaqeeya.

Tani miyay kugu habboon tahay? Markaa waxaad jeclaan doontaa inaad nala shaqeyso.

Waxaannu had iyo jeer raadineynaa shaqaale karti iyo geesinimo leh.Waxaad nagula shaqayn kartaa franchise ahaan,wakiilka qaybta iibka, ama shaqaale ahaan xafiiskayaga adeegga. 

Dhammaan shaqaalaha Reitan Convenience ee Iswiidhan waxay ku jiraan heshiis iskaashato, waxaanannu ururka iskaashatada u aragnaa dad dhexdhexaad ah. Waa lagama maarmaan in aannu bixinno jawi shaqo oo fiican oo aan samayno waxa saxda ah. Tani waxay la socotaa qiyamka aasaasiga ah ee ilaalinta anshaxa ganacsi sare.