Doorkayaga istaraatiijiyada Antorobisiin

Waa maxay macnaha dhabta ah ee Antorobisiin?

Antorobisiin waa saman/waqti juquraafi oo aan rasmi ahayn oo qeexaysa wakhtiga aynu immika ku noolnahay. Antorobisiinku wax walba wuu u beddelaa, qof walba, meel kasta. Waqtiga aynu ku noolnahay wuxuu innagu qasbaa inaynu isweydiino su'aalo cusub oo ku saabsan sida loo gaadho horumar waara oo sida aynu qod kasta ugu abuurno daryeel xuduudaha meerayaasheenna dhexood. 

Marka la soo koobo, waxaa laga yaabaa inaad tidhaahdo istiraatiijiyadeena Antorobisiin waxa lagu soo koobi karaa saddexda hammi ee soo socda: waaritaan & caafimaad qabfurfuran & loo wada dhan yahay, iyo qiyam lagu wado & mustaqbalka fog. Waxay hammiyadani si wadajir ah u daboolayaan arrimaha muhiimka ah ee deegaanka iyo bulshada marka loo eego noocyada kala duwan ee badeecadaheenna iyo adeegyadeenna, doorka aynu ku leennahay bulshada iyo nolosha macaamiisheenna, iyo sidoo kale sida aynu mustaqbalka ugu gaadhsiinayno shirkadeenna. 
 


Aragtidayada isbeddelka - Safarku wuu bilaabmay. 

Aragtida sii jiritaanku (sustainabilitygu) waa inay dhex saaqdaa modelkeenna ganacsi oo ay si buuxda u dhexgashaa dhammaan hawlgalladeenna si aynu ugu guulaysanno Antorobosiin. Ka-hortagitaanka caqabadaha inna horyaalla, guud ahaan bulshada iyo sidoo kale shirkaddeennaba, waxa looga baahan doonaa isbeddel. Sidaa darteed, waxaynu raadineynaa fursado ganacsi oo ka baxsan "break-even sustainability" halkaasoo aynu u sameyn karno isbeddel dhab ah - meeraha, bulshada, iyo shirkadeenna. Waxaynu noqon doonnaa qayb ka mid ah xalka.

Safarkeenna isbeddel wuu bilaabmay. Waxaynu ku tiirsanaynaa sayniska si aynu si fiican u fahanno doorkeenna Antorobosiin, tijaabinta fikrado cusub, iyo maalgelinta ikhtiraacyada mustaqbalka. Si aynu u guuleysanno waxaynu sii qoto-dheereyn doonaa wadashaqeynta aynu la leennahay Farachise-qaatayaasha iyo shirkadaha aynu alaabta ka soo iibsanno, waxaanaynu dhisi doonnaa noocyo cusub oo iskaashi.

Sannadihii la soo dhaafay, waxa uu furaha guusheennu ahaa inaynu ku dhiirannay inaynu qoorta soo taaganno marka loo baahdo, iyo in aynu mar walba horraysiinno baahiyaha macaamiisheenna. Waynu sii wadi doonnaa tan, maaddaama oo aanay immika jirin baahi ka weyn dhisidda mustaqbal waara, wadajir.