Shirkadda

Waxaannu nahay shirkadda Reitan Convenience ee Sweden

Waxay u badan tahay in aad qaab uun xidhiidh noola yeelatay dhinaca meheradahayaga Pressbyrån, 7-Eleven, iyo PBX. Maalin walba, ilaa 350,000 qof ayaa soo booqda mid ka mid ah 400 ee dukaan ee dalka ku yaal. Waxaannu hiigsaneynaa inaan nolol maalmeedka macaamiishayada u yara fududayno oo ka sii yara wanaajinno. Annagoo ah hormuudka suuqa , waxaan rabnaa in aan tusno jidka ugu habboon ee dukaamaynta sii jirta ee mustaqbalka annagoo ka dhigayna dukaamaynta mid sii jirta iyo sii jiritaanka deegaankana mid fudud.

Reitan Convenience Iswidhan waa qayb ka mid ah Shirkadda Reitan Retail, oo ku leh dukaammo hoos magacyo kala duwan Norway, Sweden, Denmark, Finland, Latvia, Estonia, iyo Lithuania. 
Tiro 2,000 oo dukaan oo ku kala baahsan 7 waddan oo kala duwan, Reitan Retail waa shirkad dukaan oo hormood u ah dalalka Nordic:ga iyo sidoo kale dalalka Baltic:ga.