Taariikhda

REITAN waxa 1948kii aasaasay Ole iyo Margrit Reitan, cinwaanka Nonnegata ee magaalada Trondheim, Norway. Maanta, Reitan Retail waa shirkad dukaan oo hormood u ah dalalka Nordic:ga iyo dalalka Baltic:ga. Waxaannu immika nahay shirkad isku taariikh iyo isku dhaqan ah. 

Pressbyran 150px.png

Pressbyrån waa dukaanka ugu casrisan ee ugu gaadhitaan fudud Iswiidhan. Tusaale ahaan, ma ogtahay in Pressbyrån lagu mahadiyo ayskiriimkii iyo duulimaadkii dalka gudihiisa ee ugu horreeyay Iswiidhan? Adeegyadayada habaysan iyo noocyada kala duwan ee cuntada iyo cabbitaanka iyo baahiyaha maalinlaha ah waxa loogu talo-galay dadka socodka ku jira - ee doonaya inay nolol maalmeedka ku fududeeyaan damiir hufan. Inta u dhaxaysa goobta A iyo goobta B, waxa had iyo jeer aad ka helaysaa P leh saaxiibtinimo, farxad, iyo isku halayn.

7ELEVEN 150px.png

7-Eleven waxa aasaasay Joe C Thompson, magaalada Dallas 1927, waxaanu daboolay baahiyaha maalinlaha ah 24/7 ilaa iyo xilligaa. Maanta, 7-Eleven waa astaan caalami oo ah oo leh dukaamo ka badan shirkadaha dukaamada kale ee adduunka - tiro ka badan 81,000 dukaan oo ku yaal 18 waddan. 

PBX 150px.png

PBX waa shaybaadhka nool ee Reitan Convenience, oo leh hammiga lagu horumarinayo dukaamaysiga ugu wacan waarta. PBX waa shaybaadhka nool oo ku salaysan cilmi-saynis, iyo dukaan, halkaas oo aannu ku tijaabinno oo aan ka doodno waxa dukaamaysiga waarta u ekaan karto. Waxaannu wadajir macaamiishayada, shirkadahaannu wax ka soo iibsanno, iyo saynisyahannada , ogaan doonnaa sida dukaamaysiga mustaqbalku u egyahay, waxaanannu aqoonsan doonnaa waddooyin cusub oo loo maro doorashooyin waara. Dukaanka PBX waxa uu kuu hayaa badeecado kala duwan oo loo soo xulay baahiyahaaga iyadoo laga fekerayo mustaqbalka deegaanka iyo dabiiciga.

Badeecadaha, ikhtiraacyada iyo xalalka si fiican uga shaqeeya dukaanka PBX waxa markaa laga hirgelin doonaa ee dukaan ee aannu dalka oo dhan ku leennahay.